4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo: Booqashadii aan ku tagay dalka Masar waxey aheyd mid miro dhal ah

 

Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galinkii danbe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay dalka Masar ahaa mid miro dhal ah.

Waxaa uu sheegay in booqashadiisii Qaahira lagu tilmaami karo mid ka tarjumeysa xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Masar, waxaana uu soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiisanaa oo ay ka wada hadlleen madaxweyne Cabdifitaax Al-Siisi.

Waxaa uu sheegay in ay ka wada hadleen arimo la xiriira kordhinta deeqaha waxbarashada, tayeeyta ciidamada, iyo waliba ka qeybqaadashada hormarinta dhaqaalaha dalka

Waxyaabaha is-afgaradka laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Waxaa la filayaa dhawaan in dowladda Soomaaliya dalka Masar u dirto 15 saraakiil ciidan ah oo kuwaa la filayo in ay bilow u noqdaan qorshahadowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]