4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Qarax dhimasho sababay oo lala eegtay gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM

 

Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay kolanyo gadiid ah oo la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Ex Koontarool Balcad ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ilaa saddex ruux oo rayid ah, shan kalana ay ku dhaawacmeen, balse lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee la bartilmaameedsaday.

Qof ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee dhintay ka mid aheyd haweeney sida uu sheegay goobta ku iibineysay Shaah.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay xireen jidadka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la maqlay rasaas culus oo ay ciidamadu ridayeen.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’addaha amniga dowladda iyo kuwa AMISOM, sidoo kalana ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyada qaraxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]