4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday laba nin loo haystay in ay dileen mid ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada BFS

 

Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday laba eedeysane oo loo heysto in ay dil geysteen.

Xasan Cali Xasan Keerow 23 jir ah iyo C/raxmaan Ciise Cali Fiidow 20 jir ah, oo lagu riday xukunka ayaa loo haystay in ay dileen Allaha U naxariiste Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen, oo ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Dowlada Federaalka Somaliya, sida uu sheegay Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Halkan ka aqriso hadalkii Maxkamadda laga aqriyay. 

Ujeedo:- Xukun Maxkamadeed. 

Taariikhdu markay ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-

1) Xasan Cali Xasan Keerow 23 jir ah ina Edebo Xasan Ibraahin ku dhashay Bakool.

2) C/raxmaan Ciise Cali Fiidow 20 jir ah ina Shukri Sheekh Siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiyada kala ah in ay ka tirsan yihiin ururk Al-shabaab gaar ahaan qaybta fulisa dilalka gaadmada ah, Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa lagu soo eedeeyay in ay dileen 02/11/2016 Marxuum Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen isla goobta ay dilka ku gaysteena ay ciidanka amniga degmada wadajir ku qabteen iyadoo lagu soo qabtay hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah labo bastoolad makaarof ah iyo hal bambo. 

DOOD DHEER KADDIB MAXKAMADDA.

Markay aragtay Qiraalka eedaysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keerow iyo C/raxmaan Ciise Cali Fiidow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabab qaybta fulisa dilalka gaadmada ah isla markaana ay iska soo raaceen labadooda Degmada Dayniile iyagoo imaaday banaanka masaajid ku yaallo Degmada Wadajir oo uu nabadoonka ku dukan jiray si ay ugu dilaan halkaas marka la gaaro xiliga salaada, markii uu dilku dhacayna ay ku soo baxeen ciidanka amniga sidaasna lagu qabtay labadoodaba, iyagoo ku hubaysan hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah 2 bastoolad iyo hal bambo.

Markay Dhagaysatay Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay la kulmeen labada eedaysane oo dilaya nin oday ah meel masaajidka u dhaw kadibna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan goobta iyagoo xabada ku soo riday markii xabada lays waydaartayna ay iyagu dhaawacmeen sidaasna looga qaaday hubkii ay wateen laguna xiray. 

Markay aragtay Dambi muujinta la horkeenay maxkamada horteeda ay ka mid tahay Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha,qiraalada laga qoray eedaysanayaasha,warqada cadaynta dhimashada marxuumka,sawirka marxuumka iyo hubkii loo isticmaalay falka dilka ah oo ah labo bastoolad oo makaaroof ah iyo hal bambo.

Markay Dhagaysatay Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanayaasha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in:- 

1- C/raxmaan Ciise Cali Fiidow.

2-. Xasan Cali Xasan Keerow, ay wada yihiin bambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefow Xuseen.

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia