4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Ciidamada Booliska dalka Spain oo dilay Yuunis Abuu-Yacquub oo lagu tuhunsanaa in uu geystay weerarkii Barcelona

 
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Yuunis Abuu-Yacquub, oo looga shakisnaa in uu geystay weerarkii ka dhacay magaalladda Barcelona, ayaa waxaa toogtay ciidamada Police-ka ee dalkaasi.

Yuunis, oo ah muwaadhin Morocco u dhashay, ayaa lagu eedeeyay weerarka.

Ka dib markii uu baxsad ahaa afar maalmood, ayaa waxaa lagu arkay deegaanka Subirats ee galbeedka Barcelona, asagoo xiran wax u eg suunka laga buuxiyay walxaha qarxa.

Waxa uu ku cararay beer canab ah, booliskuna waxay toogteen markii uu diiday inuu is dhiibo oo uu suunka iska bixiyo.

Booliska Spain ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Imaam looga shakisan yahay inuu xagjir ka dhigay ragga weerarka soo maleegay, uu Arbacadii ku dhintay qarax ka dhacay warshad bambooyinka ay ku diyaarinayeen oo ku taal Alcanar, koonfurta Barcelona.

Guud ahaan sideed qof oo la tuhunsan yahay ayaa dhintay, halka afar kalena gacanta ugu jiraan booliska.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia