4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Xildhibaannada Aqalka sare oo maanta meel mariyay sharciga Isgaarsiinta dalka

 

Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaa soo horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa Sabtidii hor-geeyay Aqalka sare Sharciga Isgaarsiinta dalka, waxaana labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka doodayeen sharciga.

Waxaa fadhigii maanta soo xaadiray 40 mudane kuwaa oo 39 ay ogolaadeen sharcigan ay soo diyaarisay wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay ansax.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ansixinaya sharcigan, sii uu dhaqan- gal u noqdo.

Waa markii ugu horeysay oo xildhibaannada Aqalka sare la horkeeno sharci ay horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka tan iyo markii sanadkii hore la dhisay dhisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]