4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Maxkamada sare oo digniin u dirtay hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga dowladda

 

Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa fariin u diray hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga dowladda federaalka, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin dadka iska xir xiran ee aan sharciga la horkeenin.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in marnaba aan raali laga noqon doonin muwaadiniin Soomaaliyeed sharci daro xabsiyada ugu jiraan, isaga oo intaa ku daray in deg deg loo sii daayo cid kasta oo aan loo heysan wax danbi ah laakiin hadda ku xiran xabsiyada dalka.

‘’Waan la xisaabtameynaa taliyayaasha saldhigyada ay dadkan ku xiran yihiin, haddii lagu helo in dadkaasi aysan wax danbi ah laheyn’’ ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada sare.

Bishii aynu soo dhaafnay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi gaar ah oo madaxbanaan u saaray la socodka xaalada maxaabiista ku jirta xabsiyada, kuwaa oo sii daayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood mudo ka badan shan sano u xirnaa lacago aad u yar oo ay adkeyd in mudo intaa la eg qof uu u xirnaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]