4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Ciidanka dowladda oo howlgallo ka wadda G/Sh/Hoose iyo Bariire oo maamul loo sameynayo

Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka waddaan guud ahaan deegaannada hoos yimaada Gobolka.

Howlgallada ayaa si xooggan waxaa ay uga socdaan deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose, oo shalay ay ciidanka dowladda iyo kuwo cadaan ah ay kala wareegeen Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay baarayaan guryaha, dadkana ay weydiinayaa su’aallo.

"Deegannada lagala wareegay Al-shabaa, waxaa loo sameyn doonaan maamullo, maadaama ay yihiin deegaanno Istiraatiiji ah” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamada ay waddaan howlgallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka.

Ciidamada dowladda iyo kuwo cadaan ah ayaa deegaanka Bariire ee jiinka wabiga shabeelle dhacay waxaa ay shalay ka qabsadeeen Al Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa la wareegay deegaankan oo 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degamada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Intii uu dagaalka socday, 7 qof oo rayid ah ayaa dhimatay markii ay miino la qaraxday gaari caasi ah oo ay ku qaxayeen duleedka Bariire.

Bariire oo ah Tuulo yar oo ay degenyihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd al-Shabab, oo halkaasi ku lahaa laba maxkamadood oo ay dacwadaha ku qaadaan.

Bishii May ee sanadkan ayaa waxaa Bariire lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Marineska Mareykanka, ka dib weerar ay ku qaadeen iyagoo wehliya ciidamada Somalia dhismo ay ku sugnaayeen saraakiil al-shabab ka tirsan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia