4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Dad hal Qoys u badnaa oo ku dhintay qarax miino gobolka Shabeellaha Hoose

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 7 ruux oo u badnaa dadka soo jeeday hal Qoys ku dhinteen qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen.

Dadka dhintay oo ay ku jiraan carruur iyo dad da’ ah ayaa geeriyooday kaddib ay miino la qaraxday gaari ay la socdeen dulleedka deegaanka Bariire xili ay ka baxsanayeen dagaal culus oo halkaa ku dhaxmaray ciidamo is-baheysanaya iyo Al-shabaab.

Deegaanka Bariire oo ah tuulo yar oo ay degen yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd xoogagga ururka Al-shabaab, oo halkaasi ku lahaa laba maxkamadood oo ay dacwadaha ku qaadaan.

Dadka ka baxsaday dagaalka Bariire ayaa la sheegay in ay u barakaceen deegaanka Toora-Tooroow oo ka mid ah fariisimaha ururka Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka rayidka ah ayaa khasaaraha ugu badan kala kulmay dagaalada dhaxmara dhinacyada siyaasada isaga soo horjeeda, waxaana muuqata in miinooyinka lagu Aaso jidadka qeyb ka yihiin dhibaatada ugu weyn oo ay bulshadu kala kulmaan dagaallada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]