4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Booliska Spain oo baadi-goobaya nin looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii magaalladda Barcelona

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Booliska dalka Spain ayaa ayaa baadi-goob xooggan ugu jira qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona.

Dad ka badan 10 qof ayaa ku dhintay weerarka halka ku dhowaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida dowladda ay sheegtay.

Waxaa uu boolisku baadigoobayaa nin lagu magacaabo Yoonis Abuu Yacquub, kaas oo ay haatan rumaysan yihiin inuu yahay qofka habeenkii Khamiistii gaariga dadka faraha badan ku jiirsiiyay xaafadda Las Ramblas ee magaalada Barcelona.

Weerrarka Khamiistii ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ah oo la jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddooyinka xaafadda Ramblas, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 13 qof tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa markii hore sheegay in nin lagu magacaabay Muusa Awkabir uu ka dambeeyay weerarkii gaariga lagu jiirsiiyay dadka.

Balse waxaa hadda la ogaaday in Muusa uu ka mid ahaa shantii nin ee ay boolisku ku dileen deegaanka loo dalxiis tago ee Cambrils.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia