4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2017
Cabdi Warsame iyo Mas’uuliyiin kale Oo Dhegax-dhigay Dhismaha Cusub ee Garoonka Peavey Park, Video

Khamiis Augusto, 17, 2017 (HOL) – Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee Minneapolis Mudane Cabdi Warsame iyo mas’uuliyiin katirsan hay’ada dalxiiska iyo jardiinooyinka ayaa si wada-jir ah uu dhegax dhigay dhismayaal cusub ay yeelan doonto garoonka weyn ee Peavey Park. Dhismayaashaan cusub ayaa waxaa kamid ah 3 garoon ee kubadda Kolayga, nalal casri ah ee nooca LED, qaybta caruurta ay ku ciyaaraan, garoon kubadda cagta iyo dhismayaal kale.

Jardiinkaan dib habaynta lagu sameenayo ayaa ku dhexyaal goob ay ugu badan yihiin dadka soomaaliyeed ee dagan magaaladan Minneapolis Dhismahaan ayaa waxaa suurta galiyay Abdi Warsame iyo golaha degaanka oo $250 million uga qoondeeyeen miisaaniyada sanadkii hore dhismayaasha  garoomada xaafadaha.

Abdi Warsame oo goobtaasi kahadlay ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in dhismayaashani ay kaalin weyn ka qaadan doonaan amniga degmadiisa iyo sida qaybaha kale magaalada ay u arkaan degmada 6’aad. “Dhismayaashaan waa bilow, waxaa kaloo iga go’an in aan dardar galino barnaamijyo joogta ah oo lagu mashquuliyo dhalinyaradeena.ayuu abdi Warsameoola hadlaayey dad goobta isagu yimi”

Scott Vreeland oo ah xubin katirsan gudiga jardiinooyinka ayaa u mahadceliyey Abdi Warsame iyo ururada xaafadaha Ventura Village iyo Phillips West.

Sidoo kale Deeqo Axmed dagan xaafadda ayaa tiri tan waa mid ay u baahnaayeen caruurteena waxayna noo tahay farxad iyo horemar xaafadeena ka soo muuqday 12 sano ayaan daganaa xaafadaan ,waana u mahdcelinayaa dadka hawshaan ka soo shaqeeyay.

Dhamaan dadweynahii kasoo qabygalay ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeye dhismayaashaan cusub oo la dhamaystiri doono sanadka soo socdo. 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis MN