Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka
Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in ciyaaraha kala duwan ee la
ciyaaro ay dadka kusoo jiideen ka shaqeynta nabadda, iyagoona kasoo jeesta
colaadihii daashaday.
Md. Khayre, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka qeyb-galay ciyaar lagu
maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka, waxaana ciyaarahaasi soo qaban
qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha
soo bandhigay, wuxuuna xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka
turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo
sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan
yihiin iyadoo xiligan dalka uu kasoo kabanayo marxaladihii adkaa.
Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka
qabashada arrimaha dhallinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen
nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhego
nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.
Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro,
Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid
degmooyinka Caasimadda.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia