4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2017
Somaliland oo Puntland ku hambalyeysay heshiiska DP World ee dekadda Boosaaso lagu dhisayo

 

Axad, April, 09, 2017 (HOL) -Wasiiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku hambalyeeyey maalgalinta lagu samaynayo dekadda Boosaaso oo ay ku wareejiyeen DP World.

“Sidaad ka war haysaan dekaddii Boosaaso waxay ku wareejiyeen DP World, dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan way hambalyeeyeen, dawladoodda, anaguna waanu hambalyeynaynaa hadii aanu nahay Somaliland, dadkaasi fahmay dariiqa Somaliland qaaday in uu mid saxa yahay”ayuu yidhi Cadaani oo u Puntland u hambalyeynayey dekadda Boosaaso ee ay ku wareejisay DP world.

Sidoo kale,waxa uu ka hadlay qaadhaan ay guddida abaaraha Soomaaliya usoo direen qaar ka mid ah goboladda Somaliland oo uu ku tilmaamay inay kala qaybinayaan dadka Somaliland.

“Dawlada Soomaaliya waxaan leeyahay hore ugu soo gurmanay wakhtigii abaaruhu ka dhaceen, wax aanu hadal ka keenay ma jirto, maalintii galbeedka Somaliland Abaaruhu ka dhaceen waad ka soo jawaabteen oo waad ka qaybqaadateen abaarihii galbeedka ka dhacay, maanta siyaasaddaynta aad ka wadaan arrimaha Abaaraha, ee aad Somaliland ku doonaysaan inay ku kala qaybisaan, waxaan leeyahay waa arrin khaldan, mid aad khayr ku helaysaana maaha, mid aad Somaliland ku kala jabin kartaana maaha”ayuu yidhi Cadaani.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ wax Sanaag Barri ama Sool la yidhaahda ma jirtee ee dadka Somaliland laasqoray illaa Lawyo caddo waa dad walaalo ah oo isku mid ah, haddii aad abaaraha ka qaybqaadanaysaa waa dadkiinii oo waa la isku leeyahay anaguba waanaga idinka qaybqaadanay markii ay idinku dhaceen, laakiin haddii aad wax kale wadaan iska haysta uma baahni manaa doonayno.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.