4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Banaanbax looga soo horjeedo ciidamadda AMISOM oo maanta ka socda degmadda Afgooye

 
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Dadweyne u badan haween iyo carruur ayaa maanta banaanbax looga soo horjeedo ciidamadda AMSIOM, waxaa ay ka dhigayaan degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dibad-baxa ayaa yimid kaddib markii maalmo ka hor ciidamadda AMISOM degmadaasi ay ku toogteen wiil dhallinyaro ah oo madaxa looga jiray, kaas oo xalay u geeryooday dhaawicii ka soo gaaray toogashadda.

“Banaanbaxa waxaa aan kaga soo horjeednaa AMISOM, waxaa ay naga dileen wiil dhallinyaro ah oo maskaxda looga jiray. Ciidanka AMISOM dalka uma joogaan dagaalka Al Shabaab, ee waxaa ay u joogaan gumaadka ummadda Soomaaliyeed”, mid kamid ah dibad-baxyaasha ayaa Hiiraan Online u sheegay.

Xaaladda degmadda, ayaa maanta kacsan, waxana lagu wadaa in maamulka ay dhawaan warbaahinta kala hadlaan, xalka ku saabsan dhibaatadda.

Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa 30-KM oo u dhigma 18 miles ay u jirtaa magaalladda Caasimadda ee Muqdishu, waxaana degmadaasi ka howlgalla ciidamada AMSIOM, waana marinkooda ugu weyn marka ay usii gudbayaan gobollada kale ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia