Kalfadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta lagu waday in uu furmo oo dib loo dhigay

 
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo maanta oo Arbaca ah lagu waday in kulankoodii caadiga ahaa uu uga furmo xarunta golaha shacabka ee Magaalladda Muqdishu, ayaa dib loo dhigay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka, u sheegay in kulanka uu furmi doono maalinta Sabtida ee fooda nagu soo heysa.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilowday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka." Sidaasi waxaa xildhibaannada u sheegay Xoghayaha.

Ilaa iyo hadda lama cadeyn sababta dib loogu dhigay kulanka xildhibaannada Baarlamaanka.

Baarlamaanka waxaa horyaalla agandayaal baddan oo inta aan kulanka soo xirmin ay ku balameen fasax kaddib in la guda gallo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia