Ciidamo lagu xoojinayo amniga qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir

 

Jimco, September, 29, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba caasimada Muqdisho ay ka dhacayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayuu sheegay taliska booliiska Soomaaliyeed in ciidamo dheeraad ah lagu xoojin doono sugida Amniga qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliye ku-xigeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah geyn doonaan saddex degmo oo kale ah Xamar-Weyne, Xamar Jajab iyo Waaberi.

“Uma dulqaadan doono in si sahal ah dadka la isaga dilo magaalada Muqdisho”ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Degmada Xamar-Weyne ayaa maalintii shalay waxaa ka dhacay qarax weyn oo sababay dhimashada tiro ka badan 7 ruux oo rayid ah kaddib markii gaari uu isku qarxiyay meel saxmad ah oo dadweynuhu aad ugu badnaayeen.

Sidoo kale degmada ayaa maalin ka hor weerar ka dhacay waxaa lagu dilay xoghayihii Ururka haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha Ururka haweenka kaddib markii gaarigooda la weeraray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]