Madaxweynaha Jubaland oo kormeeray beero ku yaal degmada Doolow ee gobolka Gedo [SAWIRRO]
Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa kormeeray qaar kamid ah beeraha ku yaal degmada Doolow iyo sidoo kale mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha oo qurbajoog reer Jubaland ah ka hirgeliyeen degmadaasi.
Madaxweynaha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiinta maamulka degmada Doolow ayaa kusoo wareegeen qaar kamid ah beeraha ku yaal degmadaasi, isagoo masuuliyiinta la socotay ka xog wareeystay xaaladda beeraleeyda iyo caqabadaha heysta.
Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ayaa sidoo kale booqday mashruuca waraabka beeraha gobolka Gedo oo maraya heer gabgabo ah, kaa oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen qurbajoog reer Jubaland ah iyo dadka deegaanka.
Masuuliyiinta gacanta ku haya mashruuca ayaa sheegay in mashruucan hab casri ah oo loogu talo galay in lagu waraabiyo beeraha, ayagoo sheegay in marka uu mashruucan hirgalo ay beeraleeydu u suurogali doonto in ay dalagyadooda beertaan xilli walba, halka ay hadda keliya wax beertaan marka la gaaro xilli roobeedka.
Tubooyin iyo Matoorro ayaa biyaha kasoo qaadaya webiga, waxayna geeynayaan dhul ka fog webiga si loogu waraabiyo beeraha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu gacan ka geeysan doonto sidii beeraleeyda loogu dhiirigelin lahaa in ay wax soo saarka badiyaan, isagoo xusay in Jubaland ay caan ku tahay beerashada.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Raysulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Erdogan oo ku kulmay New York (Sawirro)
- Dufcaddii 14aad oo maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa
- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo xilka la wareegay Sawirro
- Dowladda oo ku howlan in ay dib u soo ceshato maamulka hawada Soomaaliya
- Mobilka ‘Frank’ ku Iibso qiima Jaban: Wiil Somali ah oo soo saaray Taleefan casri ah
- Dabley saddex ruux ku dishay bariga gobolka Mudug
- Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo isaga baxay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo
- Galmudug oo beenisay in ay taageertay mowqifka wadamada Khaliijka ee ka dhanka ah Qatar
- Madaxweynaha dalka Uganda oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
- Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
- 134 Qof oo ku dhimatay dhul Gariir ku dhuftay dalka Mexico
- Danjiraha Soomaaliya ee QM oo ka hadlay doodda ku saabsan lacagta xubinnimada ee lagu leeyahay Soomaaliya
- Faah Faahin : Cali Jeyte Cismaan oo markii labaad noqonaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan