4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2017
Uhuru Kenyatta oo Burcad ku sheegay guddoomiyaha maxkmada sare ee dalka Kenya

 

Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dadweyne isku soo baxay kula hadlaya Suuqa Burma ee magaalada Nairobi, ayaa ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamada sare ee Kenya iyo garsoorayaasha ‘’Burcad’’ kaddib go’aankii ka dhanka ahaa natiijadii doorashadii Augusto ee maalintii shalay maxkamadu soo saartay.

Waxaa gabi ahaanba la baabi'iyay natiijadii ka soo baxday doorashadii Augusto oo guddiga doorashadu sheeciyeen in uu ku soo baxay Uhuru Kenyatta, kaddib markii maxkamada sare ay waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashada, waxaana ay amartay in muddo labo bilood ah lagu qabto doorasho cusub oo ay ku tartmi doonaan Uhuru Kenyatta iyo musharaxa ay sida weyn isku hayaan ee Raila Odinga.

Uhuru Kenyatta ayaa maalintii shalay shir jaraa’id ka sheegay in uusan ku raacsaneyn maxkamada go’aanka ay gaartay, laakiin uu ixtiraamayo isaga oo shacabka ugu baaqay in la muujiyo walaalnimo iyo nabad.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa tallaabada ay qaaday lagu tilmaamay mid taariikh ah oo ku cusub qaarada oo idil, waxaana ay dad badan arintan ku ku tilmaameen in ay muujineyso sida ay maxkamada sare Kenya uga madax-banaan tahay fara-galin islamarkaana xor ugu tahay qaadashada go’aamadeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]