4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2017
Rag hubeysan oo Afar ruux ku dishay deegaan hoostaga degmada Laascaanood

 

Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Barkac xoogan ayaa ka bilaaay deegaanka Cagaare oo dhaca Koonfurta degmada Laascaanood kaddib markii dabley halkaa ay ku dileen Afar ruux sida uu HOL u sheegay Maxamuud Warsame Cali oo ku  sugan  Karin-dabayl-weyn.

Goob joogahan ayaa sheegay in dabley hubeysn ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob maqaaxi ah waxaana la sheegay in Afar ka mid ah dadkaasi dhinteen.

Ragan  dhintay ayaa ka soo jeeda degmad Burtinle ee  gobolka Nugaal, iyadoo ay jirtey colaad mudo dheer degaankaas ka taagnayd oo dhawaan la nabadeeda la xidhay xeer adagna loo dhaabay kaas oo u muuqda in uu jabay.

Cali Maxamuud oo gaadiidleyda ka mid gaadiidleyda ayaa waxa  uu sheegay in ay dad badan ka qaxayaan degaankoodii, halka qaar kalena ay ku  jaahwareersan yihiin wixii ay ka yeeli lahaayeen.

Degaankan ayaa ku  jira fiiqa dheer ee  Itoobiya waana dhul daaqsimeed colaado dhawrjeer soo laalaabtayna ay ka dhaceen.

Isu ciidansi xoogleh ayaa taagan walow ciidamo Itoobiyaan ah la sheegay in ay yimaadeen, waxaana la eegi doonaa soda xaalku noqdo iyadoo colaad u joog  ay noqotay koonfurta degmada Laascaanood.

Seynab  Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool