4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2017
Daawo: Khudbadii Uhuru Kenyatta kaddib go’aankii maxkamadda sare ee dalka Kenya

Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarraysa David Maraga, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hannaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Go'aankan ayaa ah taariikh cusub oo ay Kenya hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho madaxweyne.

Kenyatta, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in mar kale ay tartamaan.

Halkan ka Daawo, khudbadii Madaxweynaha kaddib go’aanka.