4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2017
Mareykanka oo sheegay in dagaalyahan Al Shabaab ah uu ku dilay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

 
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Diyaaradaha Militeriga ee dowladda Mareykanka ayaa dagaalyahan ka tirsan Al Shabaab ku dilay deegaan u dhow magaalladda Barawe, kaddib duqeyn ay fuliyeen, sida uu sheegay taliska howlgalka Mareykanka ee Africa.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday, khamiistii lasoo dhaafay. 

“Hal gantaal ayaa lagu dhuftay degaan banaanka ka ah magaalladda Barawe, halkaasi oo ay isticmaalayeen Al Shabaab, waxaana ku geeryooday hal dagaalyahan halka mid kalena uu ku dhaawacmay”, sidaasi waxaa yiri sirdoonka Soomaaliya iyo Africom.

Dhinaca kale ma jiraan war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeynta.

Bishii June ee sanadkan ayeey aheyd, kaddib markii Diyaarado Dagaal, oo loo maleynayo inay ku lug leeyihiin Ciidamada Mareykanka, ay Duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen Degmada Toora-Torow, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen dhowr Gobood, oo saldhigyo u ah Al shabaab, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Hoggaamiyaal sare oo katirsan Kooxdan Jihaad-doonka ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia