3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2017
Mareykanka oo sheegay in wali uu noolyahay hoggaamiyaha kooxda Daacish Abubakr al-Baqdadi

 
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada dowladda Mareykanka, ayaa sheegay in suragal ay tahay in wali uu noolyahay hoggaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka Abubakr al-Baqdadi.

Abubakr al-Baqdadi markii ugu horeysay ee la arkay waxay ahayd 2014. 

Hadalkaas wuxuu khilaafayaa mid horey uu u sheegtay Ruushka oo ahaa in ciidankooda ay dileen Abubakar Al-Baqdaadi, ka dib weerar bishii May ka dhacay Suuriya.

Al-Baqdaadi waxaa laga yaabaa in uu isku qarinayo xuduudda u dhaxeyso Suuriya iyo Ciraaq, ayuu yiri Janaraal Stephen Townsend, oo ah taliyaha isbeheysiga la dagaallamayo kooxda Dowladda Islaamka.

Waxaa suuragal ah in uu ka qaxay weerarka ka dhanka ah kooxda ee looga qabsaday deegaano badan. Meesha uu ku nool yahay Baqdaadi lama ogeyn in muddo ah.

Bishii June, Ruushka ayaa sheegay in ay "aad suuragal u tahay" in Baqdaadi uu ku dhintay duqeyn ka dhacday Raqa oo ah caasimadda kooxda ee Woqooyiga Suuriya.

Markaasi ka dib, kooxo hubeysan ayaa duulaan ku ekeeyay magaalladda, waxaana la qiyaasayaa in illaa 2,000 oo dagaal yahan oo daacish ah ay ku jiraan, kuna go'doonsan yihiin.

Hodalkan haddii uu xaqiiq noqdo, waxaa ay cudu xooggan u noqoneysaa kooxda, waxaana dhinaca kale ay dhabar jab weyn ay ku noqoneysaa dowladdaha dagaalk kula jira Daacish. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
9/2/2017 1:43 PM EST
Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Dab xoogan oo goor dhaw ka dhacay Suuqa Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayaa lagu waramayaa in uu ku sii fidayo goobo hor leh oo ka mid ah isla suuqa.

9/2/2017 8:09 AM EST
Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay ku dileen degmada Ceel-waaq labo nabadoon oo la sheegay in markii hore ay ka afduubteen guryahooda.

9/2/2017 7:36 AM EST
Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dadweyne isku soo baxay kula hadlayay Suuqa Burma ee magaalada Nairobi, ayaa ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamada sare ee Kenya iyo garsoorayaasha ‘’Burcad’’ kaddib go’aankii ka dhanka ahaa natiijadii doorashadii Augusto ee maalintii shalay maxkamadu soo saartay.

9/2/2017 7:22 AM EST
Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Barkac xoogan ayaa ka bilaaay deegaanka Cagaare oo dhaca Koonfurta degmada Laascaanood kaddib markii dabley halkaa ay ku dileen Afar ruux sida uu HOL u sheegay Maxamuud Warsame Cali oo ku sugan Karin-dabayl-weyn.

9/2/2017 7:16 AM EST
Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan ku toogteen nabdoon lagu magacaabi jiray Nuuradiin Cabdullaahi Aweys.

9/2/2017 2:49 AM EST
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarraysa David Maraga, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

9/2/2017 2:29 AM EST
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Diyaaradaha Militeriga ee dowladda Mareykanka ayaa dagaalyahan ka tirsan Al Shabaab ku dilay deegaan u dhow magaalladda Barawe, kaddib duqeyn ay fuliyeen, sida uu sheegay taliska howlgalka Mareykanka ee Africa.

9/2/2017 2:08 AM EST
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shalay la ciiday Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka.

9/2/2017 1:47 AM EST
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay salaadii ciida Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya kula tukaday dadweyne farabadan, ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doonno howlgalo Shabaab looga sifeynayo gobolada dalka.