4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dagaal Al Shabaab looga saarayo dalka oo dhan

 
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed  C/llaahi Farmaajo oo shalay salaadii ciida Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya  kula tukaday dadweyne farabadan, ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doonno howlgalo Shabaab looga sifeynayo gobolada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah l-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa uu xusay in dhawaan ay labilaaban doono howlgalo hor leh oo gobolada dalka looga saarayo Shabaab. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dhismaha gudiga adeega garsoorka iyo amhiyadda uu u leeyahya dalka.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah dadweyne farabadan oo uu salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Shuhadaa, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda cuudul Adxa.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo  ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danyarta ah, ayna la shaqeeyaan dowladda F. S. si loo sugo ammaanka guud ee dalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia