4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Qeyb ka mid ah qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo xariga laga jaray

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL)– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa maanta  xarigga ka jaray isticmaalka qeyb kamid ah qalabkii loogu talagalay in lagula socdo saadaasha hawada.

Munaasabadda xarriga looga jarayay qeybtan cusub oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa joogay mas’uuliyiinta wasaradda,guddiga gaadiidka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu qalabkani qeyb ka yahay maamulka Hawada Soomaaliya,isagoo maanta si rasmi ah uu xarigga uga jaray qalabkaasi oo si gaar ah u qaabisan qeybta Saadaasha Hawada.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka Caalamiga ah ee ICAO ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ku saabsan in si deg deg ah Muqdisho loogu soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya, muddo kabadan 25 sano kadib tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]