3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2017
Ilhaan Cumar oo New York kula kulantay madaxweyne Erdogan


Talaado, September, 19, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo ku sugan magalada New York ayaa  kulan gaar ah la qaatay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo kamid ah xildhibaanada Minisotta.

Kulankan dhex-maray labada mas'uul ayaa la sheegay in looga wada hadlay arimo muhiim ah oo khuseeya Islaamka iyo xiriirka dowladaha Turkiga iyo Maraykanka , xilli hogaamiyayaal badan oo caalamka ah ay ku sugan-yiiin New York.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin kulankan oo la sheegay in uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyay ,waxaana uu imaanaya , xilli sidoo kale dowladda uu madaxweynaha ka yahay Trump ay qorshaynayso in dib loo celiyo Muhaajirin badan oo sharciyo aan ku haysan gudaha Maraykanka. 

Faysal M. Hassan
[email protected]














Click here
9/19/2017 5:58 PM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamad Cabdi Waare ayaa maanta Cali Jayte Cismaan u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

9/19/2017 3:31 PM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) --Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

9/19/2017 12:28 PM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL)– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray isticmaalka qeyb kamid ah qalabkii loogu talagalay in lagula socdo saadaasha hawada.

9/19/2017 8:52 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL)– Nin lagu magacaabo Sheekh Cabdiwali Sheekh Cali Calimi Yare oo lagu eedeeyay in Sawir uu baahiyay uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed SCW ayaa beeniyay eedeynta loo soo jeediyay.

9/19/2017 7:07 AM EST
Talaado, September,19, 2017 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaanni ayaa ka hadlay war si khalad ah uga baxay idaacadda BBC-da oo ay raali galin ka bixiyeen.

9/19/2017 6:10 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL)– Wasiirka wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Islaaw ayaa maanta daah furay shir ku saabsan wada shaqeynta iyo tayeeyn lahaa ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

9/19/2017 5:07 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL)–Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hortimid, islamarkaana dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno nin u gafay Nabi Maxamed NNKH oo lagu magacaabo Cabdiwali Cali Cilmi Yare.

9/19/2017 4:57 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL)- Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi oo jeedisay khudbaddeedii ugu horeeysay ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay dhammaan ....

9/19/2017 4:19 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) – Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku soo idlaaday shirkii baarlamannada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaasi.

9/19/2017 4:11 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa baahisay mMuuqaal laga duubay sadex nin oo Kenyan ah kana tirsanaa dagaalyahanada Ururka, laakiin ay ku sheegeen in ay u basaasayeen ciidamada Kenya.

9/19/2017 1:48 AM EST
Talaado, September 19, 2017 (HOL) – Shantii maalmood ee u dambeeyey waxa Somaliland laga dareemayey hoos u dhac uu samayanyey doolarkii, taas oo loo sababeynayo maqnaashaha jaadkii lacagta badan ku bixi jiray ee wadanka Itoobiya u gudbi jiray.

9/19/2017 1:38 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) - Maamul gobolleedka Puntland ayaa xabsiga ka sii daayay dhalinyaro Soomaaliyeed markii hore loo heystay danbiyo la xiriira Al-shabaab, hasse ahaatee markii danbe la ogaaday in ay ahaayeen Tahriibayaal.

9/19/2017 1:26 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) -- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka qeybgalaya shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey ee maanta ka furmaya magaalada New York ayaa la filayaa in uu gollaha ka hor jeediyo khudbad la xiriirta xaalada Soomaaliya.

9/19/2017 12:52 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) -- Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyeen guddoonka mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ka dhan ah go’aankii ay ka qaadatay arintan Qalbi Dhagax.

9/19/2017 12:40 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) – Shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah uga furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

9/19/2017 12:27 AM EST
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay ay halkaa ka dhaeen rabshado raad ku reebay Soomaalida ku ganacsatada magaalada.