4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2017
Nin lagu eedeeyay in uu u gafay Nabi Maxamed SCW oo arintaa beeniyay

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL)– Nin lagu magacaabo Sheekh Cabdiwali Sheekh Cali Calimi Yare oo lagu eedeeyay in Sawir uu baahiyay uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed SCW ayaa beeniyay eedeynta loo soo jeediyay.

Waxaa uu sheegay isaga oo la hadlay BBC in marnaba Sawirka qof kale uusan ku sheegin Nabi Maxamed SCW, laakiin waxaa uu tilmaamay in Sawirka uu soo bandhigay yahay Macalinkiisa oo lagu magacaabo Maxamed kuna nool sida uu hadalka u dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

‘’Sawirka aan soo bandhigay waxaa uu ahaa Macalinkeyga oo aan jeclahay oo lagu magacaabo Maxamed, waa uu nool yahay Nairobi ayuu joogaa, adigga ayaan kaa maqlayaa in Nabi Maxamed SCW la suuradeyn karo ama la sawiro karo’’ ayuu yiri Sheekh Cabdiwali.

Qoraal ay saxiixeen qaar ka mid ah Hay'adda  culimada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in "Sheekh Cabdiweli uu yahay nin diinta ka baxay, nabinimadiina siiyeey qof aan Nabi Maxamed ahayn."

Maxkamada magaalada Gaalkcayo oo maanta dhageysatay doodda ninkan eedeysanaha ah ayaa sheegtay in wax danbi ah lagu waayay lana fasaxay.

Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa BBC-da u sheega in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su'aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

Arintan ayaa buuq badan ka dhax dhalisay bulshada Soomaaliyeed oo siweyn la yaabtay markii ay arkeen sawirka lagu sheegay in uu yahay Nabi Maxamed SCW oo Ninkani uu baahiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]