Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay war si khaldan uga baxay Idaacada BBC-da
Talaado, September,19, 2017
(HOL)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaanni ayaa
ka hadlay war si khalad ah uga baxay idaacadda BBC-da oo ay raali galin ka
bixiyeen.
Wasiirka ayaa sheegay inkastoo ay
raaligalin ka bixisay warkaasi khaldan ee ay baahisay hadana waxa uu arrintaasi
ku tilmaamay mid si ula kac ah u sameeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda
oo aan marna ka suurogal ahayn in Idaacad weyn oo guun ah khalad noocaas oo
kale ah inay gasho.
Idaacadda Bbc ayaa maalmihii
dadka Soomaalida ah lagu laayey Oromadda
ka dhigay in dilkaasi ka dhashay laba qof oo Oromo ah oo Hargeysa lagu dilay
inay sababeen dilalkaasi SOomaalida loo gaysta, haseyeeshee markii fal celin badan heshay dib u saxday oo
raaligalin ka bixiyeen khaladkaasi dhacay.
“BBC-du inkastoo waajibaadkooda saxaafadeed ee
sixitaanka warkii sida khalad ah uga baxay idaacadoodda ee ku saabsanaa
sababaha keenay dilkii dadkii lagu
laayey deegaanka Oromadda ayaa hadana waxaan uga mahad celinayaa sida degdeg ah
ee ay dib u saxday warkoodii khaldanaa, ee ay baahiyeen habeenimadii 16 bishan
September, 2017, waana sida ay dhigayaan xeerarka caalamiga ah ee shuruucda
saxaafaddu, in la saxo war khaldan haddii la arko marka laga soo dacwooddo ee
la hubiyo la saxo ama raaligalin laga bixiyo”ayuu yidhi wasiir Cadaanni.
Waxaanu intaas ku daray
“haseyeeshee anagoo dawlad ahaan aqbalay oo ku qanacnay ugana mahad naqayna BBC
raali galintaa ay ka bixiyeen warkii khaldanaa ee ay baahiyeen waxaase u
aragnaa inuu warkaasi ahaa mid ay u badheedhay BBC-du shaqaale ka mid ahi, maadaama oo ay tahay idaacad guun ah oo aanay
marna ka suuronoqon Karin in si fudud uga baxo warkan oo ahaa mid xasaasi ah oo
khaladkiisa yar ka dhalan karaa khasaarooyin naf iyo maalba sababa oo aad u
balaadhan, hadaba iyadoo ay jiraan khaladaad hore oo kan la mid ah ama u dhow
oo Somaliland ka galeen oo BBC-du qaybteedda Soomaaligu ka baahiyeen ayaa waxa
aan uga digaynaa inay mar kale ka galaan khalad kale oo kuwan la mid ah”.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu
dadweynaha reer Somaliland uga digay in waxyeelo loo gaysto dadka qaxootiga ah
ee Oromadda ee ku sugan Somaliland.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.