4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Wasaarada amniga oo daah furtay kulan ku saabsan wada shaqeynta ciidamada booliiska Soomaaliyeed Sawirro


Talaado, September, 19, 2017 (HOL)– Wasiirka wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Islaaw ayaa maanta daah furay shir ku saabsan wada shaqeynta iyo tayeeyn lahaa ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah mid wada tashi ah ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada amniga, taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed, taliyayaasha ciidamada booliiska maamul gobolleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan uu daba joogo heshiis ay horay u gaareen maamul gobolleedyada dalka iyo dowladda dhexe iyo go’aannadii shirkii London ka dhacay bishii May ee sanadkan.

‘’Sida aad la soctaan waxaa jiray heshiis u dhaxeeyay maamul gobolleedyada dalka iyo dowladda dhexe oo la xiriiray dhismaha ciidamo Qaran oo tayo leh, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso 18 Kun oo ciidamo militari ah iyo 32 Kun oo ciidamo booliis Soomaaliyeed ah sidaa daraadeed shirkan waa mid wada tashi ah oo arintaan xiriir la leh ayuu yiri’’ wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada shirka laga leeyahay tahay sidii loo ogaan lahaa xogta ciidamada booliiska maamul gobolleedyada dalka, waxa ka dhiman iyo baahiyaha ay qabaan, waxaana uu intaa ku daray in wixii macluumaad ah ee arintan ku saabsan loo gudbin doono taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo socon doona muddo Saddex maalmood ah ayaa la filayaa uu soo xirmo maalinta Sabtida ee todobaadka danbe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]