4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Hoos u dhac ku yimid qiimaha dollarka muddadii uu Jaadku ka maqnaa Soomaaliland

 

Talaado, September 19,  2017 (HOL) – Shantii maalmood ee u dambeeyey  waxa Somaliland laga dareemayey hoos u dhac uu samayanyey dollarka, taas oo loo sababeynayo maqnaashaha jaadkii lacagta badan ku bixi jiray ee wadanka Itoobiya u gudbi jiray.

Gudoomiyaha sarifleyaasha Somaliland Axmed Xasan Awliyo ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid doolarkii ay sababteeda leedahay lacagtii adkayd ee Itoobiya loo gayn jiray oo hadda suuqii ku hadhay taas oo sababtay qiimaha dollar jabka oo u muuqda in uu hoos u sii socdo.

Axmed Xassan Awliyo oo ka hadlaya sababta keentay hoos u dhaca dollar waxa uu yidhi “Intii uu Jaadku socday kor u kac ayaa ku socday dollar hoos u dhacna waxay ku ahayd qiimihii lacagta Somaliland, boqolka doolar maalinba waxba  ku siyaadayey, shantii cisho ee jaadku inaga joogsaday kor u kiciina wuu joojiyey hoos u dhacna wuu bilaabay, marka ninka jaadka ka ganacsadda kaash badan ayuu soo xarayn jiray waxa uu raadin jiray Doolar oo lacag adag ayuu Itoobiya u dirayey, laakin imika jaadkii wadaniga ahaa ayaa la cunaa”

Waxaanu intaas ku daray “baahidii lacagtii doolarka ahaa ee uu jaadluhu doonayey meeshay ka baxday,waxa meesha ka baxday kaashkii faraha badnaa ee jaadka la siin jiray iyo doolarkii habeenkii la raadin jiray ayaa meesha ka baxday oo imika doolar lama raadiyo doolar yaalana waxa kala qaata ganacsatadda Berbera uun baa dolarka sarifata”.

Sida sarifleyaashu sheegayaan maalinka hor maalintii jaadku joogsaday waxa uu sarifku marayey milyan iyo labaatan kun oo Shiling Somaliland, shalay galinkii hore boqolka dollar wuxuu marayey sagaal boqol iyo sagaashan, halka xalay hoos usii dhacay oo uu marayey sagaal boqol iyo sideetan kun oo shilling Somaliland.

Shantaasi cisho ee uu jaadku dalka ka maqnaa waxa uu dooollarkii hoos u dhacay afartan kun ShSL, waxaana laga yaabaa inuu hoos usii socdo mudadda uu dalka ka maqan yahay.

Dadka arrimahan u dhuun daloolaha waxay sheegayaan tan iyo intii Itoobiya lacag adag ka dhigtay lacagta Jaadka ka soo gasha waxa dhaqaalihii Somaliland ku yimid wareer iyo hoos u dhac ku yimid Shiling-kii Somaliland, maadaama lacag badan oo doolar ah u baahdeen ganacsataddii Jaadka si ay Itoobiya jaad kale uga soo iibsadaan, taasina waxay dalkeena ku keentay sarif barar iyo in la kala waayo dollarkii.

Jaadkan laga joojiyey Somaliland waxay fursad u tahay shacabka Somaliland iyo xukuumadiisa si mar labaad hadii jaadka la furayo loo kala qorto heshiish,isla markaana aanay Somaliland ogolaan wax dhaqaalaha Somaliland burburinaya oo lacagtii ay Itoobiya u gaynayeen sababin in dhaqaalaha Somaliland hoos u dhicin.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa dhaqaale badan oo ay ka heli jirtay cashuurta Jaadka ku wayday,taas oo kastamaddii Wajaale iyo Kala baydh oo inta badan lagu cashuuri jiray Jaadka aanay shaqaynayn.

Sidoo kale, magaalo xuduudeedda Tog-wajaale oo ahayd suuqa ugu weyn ee Oromaddu wax ka iibsato ayaa waxa iyana la soo daristay dhaqaale xumo, iyadoo shantaasi cishe ee dhibaatooyinku dhaceen aanay jirin cid wax ka iibsatay, kuwaas oo bakhaaraddii Oromadu wax ka iibsan jiray iska xidhan yihiin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland