4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Baarlamaanka oo beeniyay in loo soo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) -- Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyeen guddoonka mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ka dhan ah go’aankii ay ka qaadatay arintan Qalbi Dhagax.

Xog-hayaha ayaa sheegay in arintaa ay ku arkeen oo kaliya baraha bulshada ay ku sheekeystaan ee Social Media –ha, laakiin marnaba aysan jirin mooshin loo soo gudbiyay guddoonka baarlamaanka oo la xiriira go’aankii xukuumadda.

‘’Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn leys kula dhaxmarayay warar sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka u soo gudbiyeen guddoonka mooshin ka dhan ah xukuumadda, wararkaasi waa waxba kama jiraan ma jiro mooshin loo soo gudbiyay guddoonka baarlamaanka’’ ayuu yiri Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay guddi soo baara u saaray go’aankii xukuumada ee ONLF iyo arinta Qalbi Dhagax

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]