4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey oo maanta furmaya

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) – Shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah uga furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu khubadiisii ugu horeysay ka jeediyo shirka sanadlaha ah ee golaha fuud ee Qaramada Midoobey. 

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wariyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.

Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.

Wuxuu kale oo uu ka hadli doonaa mowqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Venezuela.

Shirkan ayaa dhinaca Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]