4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Boob loo geystay ganacsato Soomaaliyeed magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay ay halkaa ka dhaeen rabshado raad ku reebay Soomaalida ku ganacsatada magaalada.

Rabshadahan ayaa yimid kaddib markii Taksileyda Cape Town ka dhex shaqaysa iyo Shirkadaha kale ee Taxi Service-ka gaar ahaan Uber ay soo abaabuleen Dibadbax.

Waxaa la sheegay in Taksiileyda ayaa ka cabanayeen canshuurta dowladda oo xad dhaaf ah, iyaguna ay doonayaan inay sare u qaadaan qiimaha lagu raaco Tagaasida.

Goobihii ganacsiga Soomaalida ee magaalada Cape Town ayaa la sheegay in leysugu darray dhac iyo in la gubo, maadaama rabshadaha ay ahaayeen kuwo xoogan oo dad badan oo madow ah ay horkacayeen.

Weli lama oga khasaaraha hantiyadeed heerka uu gaarsiisan yahay, waxaanan jirin khasaare nafeed, inkastoo weli ay jirto cabsi laga qabo inay markale dhici karaan Banaanbaxyo.

Dowladda South Africa gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha war ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in cabashadaasi deg deg wax looga qaban doono, si loo joojiyo rabshadaha ka socda gudaha magaalada Cape Town.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]