Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maalintii labaad ayaa magaalada Laascaanood waxa socda
kacdoon ay samaynayaan dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka kaddib markii qiimaha cashuurta
kor loo qaaday.
Qaar ka mid ah hawlwadeenka shirkada
jaadka ee Jabuuti oo ku hubaysan qoryaha dagaalka ayaa isugu baxay duleedka
magaalada Laascaanood kuwaas oo sheegaya in ay dagaal ka xigaan kordhinta
canshuurta.
Maxamed C/laahi oo ka mid ahaa kuwii
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay canshuurtu awel ku badnayd isla
markaana aysan qaadi karin mid intaas ka badan.
Dumarka jaadka iibiya ayaa iyaguna
sameeyey isu soo bax ay arintaas kaga soo horjeedaan, hanjabaadna way
raaciyeen.
Qaar ka mid ah odayaasha iyo
waxgaradka ayaa wada dadaal ay doonayaan in ay xiisadan ku damiyaan, waxaase
muuqata in arintaasi aanay weli suuragal ahayn iyadoo waqti kooban lagu xidhay
Hargeysa mulkiilaha shirkada Jabuutaawi shalay.
Xiriir aan isku daynay in aan la
yeelano masuuliyiinta nabadgelyada ayaan suurtagalin si aan wax uga
ogaano waxa uga qorshaysan kacdoonkan.
Maaha markii ugu horeysey ee sidan
oo kale qalalaase qaadku sababo uu ka doco magaalada Laascaanood, iyadoo inta
badan ay cashuurahu noqdaan furaha kiciya.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool