4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Xiisad ka dhalatay canshuurta Qaadka oo ka jirtay magaalada Laascaanood

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maalintii labaad ayaa magaalada Laascaanood waxa socda kacdoon ay samaynayaan dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka kaddib markii qiimaha cashuurta kor loo qaaday.

Qaar ka mid ah hawlwadeenka shirkada jaadka ee Jabuuti oo ku hubaysan qoryaha dagaalka ayaa isugu baxay duleedka magaalada Laascaanood kuwaas oo sheegaya in ay dagaal ka xigaan kordhinta canshuurta.

Maxamed C/laahi oo ka mid ahaa kuwii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay canshuurtu awel ku badnayd isla markaana aysan qaadi karin mid intaas ka badan.

Dumarka jaadka iibiya ayaa iyaguna sameeyey isu soo bax ay arintaas kaga soo horjeedaan, hanjabaadna way raaciyeen.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ayaa wada dadaal ay doonayaan in ay xiisadan ku damiyaan, waxaase muuqata in arintaasi aanay weli suuragal ahayn iyadoo waqti kooban lagu xidhay Hargeysa mulkiilaha shirkada Jabuutaawi shalay.

Xiriir aan isku daynay in aan la yeelano masuuliyiinta nabadgelyada ayaan suurtagalin si aan wax uga ogaano waxa uga qorshaysan kacdoonkan.

Maaha markii ugu horeysey ee sidan oo kale qalalaase qaadku sababo uu ka doco magaalada Laascaanood, iyadoo inta badan ay cashuurahu noqdaan furaha kiciya.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool