4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo u anbabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb geli doona shirka 72aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, ee ka furmaya xarunta UN-ka ee New York.

Maalinta Jimcaha ayaa la filayaa in ra’iisal wasaare Kheyre oo khubad ka jeediyo shirka gollaha loo dhan yahay ee QM, isaga oo gollaha warbixin ka siin doona xaalada dalka iyo is bedeladii dhacay, mudadii ay dowladdani jirtay.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda iyo ka qeyb galayaasha shirka New York.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu qorshuhu ayaa in u shirkan ka qeybgalo, lamana oga sababaha uu uga baaqday madaxweynaha ka qeybgalka kulanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]