4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Maamulka Koonfur galbeed oo taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maamulka Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray isbaheysiga Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, iyagoo sheegay in go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka in aan laga tixgelin, islamarkaana lagala tashan.

War saxaafadeed ku qornaa Luuqada English oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in maamulka Koofur Galbeed uu garab taagan yahay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga uu ka dhaxeeyo Soomaaliya xiriir iskaashi oo taariikh leh, sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Imaaraadka uu Soomaaliya ka taageerayo dhinacyada bani’aadanimada, caafimaadka iyo gargaarka deg dega, dadka ku nool dhamaan gobolada dalka oo dhan.

Warsaxaafadeedkan waxaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Ugaas Xasan Cabdi Axmed, isaga oo sheegay in maamulka Koonfur galbeed taageersan yahay dowladda Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar.

Akhriso Warka ka soo baxay maamulka Koonfur galbeed :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]