4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta gollaha shacabka sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gollaha baarlamaanka.

Kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa ajandihiisu waxaa uu yahay Akhrinta koobaad ee Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha oo ka mid ah 10 hindise Sharciyeedyo oo ay soo meel mariyeen golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya 13ki bishaana loo qeybiyay xildhibanada golaha shacabka ee Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha golaha shacabka horyaalla arrinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax” oo Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiyo, kaddib markii gudddoonka baarlamaanka uu sheegay in arintaa loo saarayo guddi gaar ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaala Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo u baahan in la meel mariyo, hasse ahaatee waxaa muuqata in todobaadyadii ugu danbeeyay xildhibaannadu siweyn ugu mashquuleen go’aankii xuuumada ay ka gaartay Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF oo aad moodo in walba xildhibaannadu isla meel dhigin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]