Xaaska ra'iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee dalka Pakistaan oo ku guuleysatay doorasho ku celis aheyd
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Xaaska ra’iisal wasaarihii xilka laga
qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska
ahayd ee ka dhacday magaalada u kasoo jeedo ee Lahore.
Natiijada hordhaca ayaa muujinaysa in Kulsoom Nawaz ku horeys shan iyo
tobban kun oo cod.
Doorashada ayaa la qabanayaa kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi
aya musuqmaasuq ku xukuntay Nawaz Sharif laashayna joogitaankiisa xafiiska.
Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa xilka ka qaadday Sharif kaddib markii
lagu eedeeyay in qoyskiisa ay ku lug leeyihiin shirkado ajnabi ah.
Sharif ayaa mar walba beeninayey eedeymahaasi, balse maxkamadda ayaa laashay
isku dayo lagu doonayay inay dib u eegto go`aankeeda.
Xisbiga talada dalkaasi haya ee PMLN ayaa sheegaya in guushani ay cadeyn u
tahay in shacabka Pakistan rumeysanyihiin in Nawaz sharif uu dhibane u noqday
shirqool siyaasadeed.
Kulsoom Nawaz, waxay haatan magaalada London ugu maqan tahay daaweyn cudurka
kansarka ah, waxaanay ku guulaysatay 61,254 cod oo waxay musharaxii ugu soo
dhawaa kaga badisay 14,188 oo cod.
BBC
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]