4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre ‘’ Maanta dad baa diidan hormarka Ummadda Soomaaliyeed

 

Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta booqday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka umadda Soomaaliyeed iyo dowladda intaba ku tallaabsadeen.

‘’Maata dad baa diidan hormarka umadda Soomaaliyeed, waxaad ogaataan wax kasta oo wanaagsan oo la qabanayo maanta dad beysan u muuqan Karin, qaarkeen waa in ay u muuqtaan waxa dadka kale aysan u muuqan, xukuumada iyo dowladda uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa u muuqda wax badan oo mustaqbalka aad arki doontaan’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbad ka jeedinayay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ee uu xilka la wareegay wuxuu soo saaray wareegto ku aadaneyd in dhammaan Hay’adaha Dowladda ay ahmiyadda koowaad siiyaan Afka Soomaaliga, waxaana xarunta Akadeemiyadda lagu tilmaamaa meelaha laga nooleeyo ama laga kobiyo afka Soomaaliga.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili waayadii ugu danbeeyayba dowladda ay wajaheysay mucaaradad xooggan oo uga imaneysa siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo siweyn uga dhaliilay tallaabadii ay Itoobiya ugu gacangalisay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]