4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Dowladda oo ugu baaqday beesha caalamka in la taageero maamulka Hirshabeelle

 

Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageerto madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle si looga gudbo caqabado faraha badan ee xilliggaan horyaalla.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ay muujiso taageerada ay u hayaan maamulka curdanka ah si amni iyo hormar looga sameeyo deegaannada uu ka arimiyo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in si wadajir loola shaqeeyo madaxweynaha cusub Maxamed Cabdi Awaare.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii Amni iyo horumar looga sameyn lahaa degaanada maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa shalay magaalada Jowhar ku doortay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen madaxweynihii maamulkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]