4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Taliyihii nabad-sugidda degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo la weeraray

 

Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari uu saarnaa Taliyaha ciidamada nabad-sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana dhintay Askari ilaalo u ahaa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada NISA.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas  ku furay gaariga yar oo uu saarnaa taliyaha.

Taliyaha ayaa la sheegay in xiligan la weeraray uu marayay Xoosh ee degmada Dherkeenley.

Kooxdii ka danbeysay falka lagu beegsaday taliyaha ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen, waxaana ay wateen gaari NOAH ah oo ay ku baxsadeen.

Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen dhaawaca  sargaalkan ka tirsanaa nabad sugida iyo askariga dhintay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]