3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
QM oo sheegtay in qaxooti ka soo jeeda dalka Burundi lagu laayay dalka Congo

Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo qaxooti kasoo jeeda dalka Burundi oo lagu laayay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, ayadoo si gaar ah loogu eedeeyay dilalka loo geystay qaxootiga ciidamada dowladda Burundi.

Warbixin kasoo baxday howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalka Congo (MONUSCO) ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda dalkaasi ay toogasho ku dileen in ka badan 37 qof oo qaxooti ah oo kasoo jeeda dalka Burundi, sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen 117 qof oo kale.

Ku simaha afhayeenka howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalkaasi Florence Marchal ayaa ugu baaqday ciidamada dowladda dalkaasi in ay u turaan shacabka iyo dadka qaxootiga ah ee ku nool dalkaasi.

Dibadbaxyo ay sameeyeen qaxootiga kasoo jeeda dalka Burundi ayaa lagu dilay hal askari, ayadoo dibadbaxayaashu ay ka cabanayeen afar qof oo kasoo jeeda dalka Burundi oo laga tarxiilay Congo.

Ciidamada dalka Burundi ayaa weerar ka geystay xero qaxooti oo ku taal magaalada Kamanyola, waxaana dadka halkaasi dagan ay sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid ay dowladdu ka warqabtay.

Sarkaal u hadlay wasaaradda arimaha gudaha dalka Congo ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ay dhagax tureen ciidamado halkaasi u tagay in ay xaaladda dajiyaan.

Dalka Congo waxaa ku sugan boqollaal kun oo qaxooti ah oo kasoo jeeda dalka Burundi, kuwaa oo kasoo cararay colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
9/17/2017 12:49 PM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta booqday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta eemagaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka umadda Soomaaliyeed iyo dowladda intaba ku tallaabsadeen.

9/17/2017 12:26 PM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) –Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid ahaa guddiga Taakuleynta heer Qaran ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xubinnadii guddiga, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii labaad ee isaga baxay guddiga tan iyo markii lagu dhawaaqay.

9/17/2017 9:18 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay xalay Qorayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

9/17/2017 9:04 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Ilaa shan carruur ah ayaa geeriyootay sedex qof oo kale oo ay ku jirto maamo da' ahna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu dab ka kacay xerada barakacayaasha dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku noolaayeen qoysas danyar ah.

9/17/2017 8:42 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL)–Dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay taliyihii nabad-sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kaddib weerar lagu qaaday gaarigiisa.

9/17/2017 7:50 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageerto madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle si looga gudbo caqabado faraha badan ee xilliggaan horyaalla.

9/17/2017 7:15 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari uu saarnaa Taliyaha ciidamada nabad-sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

9/17/2017 5:33 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Wafdigan uu horkacayay Wasiirka wasaaradda arimaaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray magaalada Newyork ee dalka Mareeykanka...

9/17/2017 3:59 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubaland ee ku sugnaa gobolka Gedo ayaa booqday xerada lagu tababaro ciidamada Daraawiishta Jubaland ee degmada Doolow, halkaa oo ay tababarro uga socdeen ciidamada ka tirsan Jubaland.

9/17/2017 12:18 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa Aroornimadii hore ee saakay weerar ku qaaday deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan oo ah Koontaroolka ugu weyn gobolka.

9/17/2017 12:04 AM EST
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay madaxweynaha cusub ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare.