4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Dil caawa ka dhacay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho caawa ka dhacday degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen mid ka mid ah ciidamada dowladda oo la sheegay in uu la socday qof rayid ah oo ka shaqeysta Sarifka lacagaha, kuwaa oo la sheegay in labaduba ay ku geeriyoodeen isla goobta.

Ragga la dilay ayaa lagu kala sheegay Jeeri Maxaa Raaf, oo ahaa Askariga iyo Maxamuud Siyaad oo ahaa qofka Sariflaha ahaa la socday Askariga ,waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka ragaas ay goobta ka baxsadeen.

Ma jirto cid faah faahin intaas dheer ka bixisay dilka ragaas,waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo caawa howlgallo ka wada xaafadda Kaawa Godeey qeybta degmada Dharkenley oo uu caawa dilka ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]