Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in
Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Talaadada Amiirka Qadar Sheekh
Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo shirka
golaha loo dhan yahay ee QM.
La taliyaha dhinaca ammaanka ee aqalka Cad Herbert McMaster ayaa u sheegay
Saxafiyiinta in sidoo kale uu Trump la kulmi doono dhowr Hogaamiye maalmaha soo
socda.
.Amiirka Qadar ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee dibadda ku tagay dalka
Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska ka hor inta uusan tagin Mareykanka tan iyo
markii uu khilaafka ka dhex qarxay dowladaha Khaliifka muddo ka badan 3 Bil.
Labada Hogaamiye ee Qadar iyo mareykanka ayaa la filayaa in inta uu socdo
kulankooda in ay isla soo hadal qaadaan doorka uu Mareykanka ka qaadan karo
xalinta arrimaha Khaliijka
Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Mareykanku sheegay in uu dhexdhexaadin ka
dhex bilaayo Qadar iyo dowladaha Masar, Baxreyn iyo Sacuudiga oo isku dhinac
ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]