3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Turkiga oo dood u qabtay aqoonyahanadda Soomaaliland iyo Soomaaliya

 

Sabti, September,16, 2017 (HOL)- Aqoonyahan Dr:Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa ka warbixiyey shir Turkiga ka dhacay oo ay isku soo hor fadhiisteen aqoonyahano ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo aqoonyahano Turkiga ahina goob joog ka ahaayeen.

Bulxan ayaa sheegay in wada hadalkan labadda aqoonyahan dhexmaray uu noqonayo kii labaad,isla markaana si toos ah looga doodayey sababta Somaliland uga go’day Soomaaliya iyo sababta SOomaaliya u doonayso midnimadda.

Sidoo kale, waxa uu Bulxan sheegay in Turkiga si toos ah ugu soo bandhigeen aragtidda shacabka Somaliland ka aaminsan yihiin Turkiga ee xaga dhex dhexaadnimadda.

“wuxuu ahaa shirkii labaad ee aqoonyahanka Soomaaliland iyo Soomaaliya, sanad iyo woxooga ka hor ayaa kii ugu horeeyey la qabtay, waxaana lagu heshiiyey in afar kale la qabto, oo aqoonyahanka Somaliland, aqoonyahanka Turkiga iyo kuwo Soomaaliya isku yimaadaan, wada hadaladii siyaasiyiintu markii ay lix goor kulmeen ee waxba ka soo bixi waayey ayey joogsadeen, anaga waxa naga go’need in aqoonyahanadd dhigayaga ee Soomaaliya iyo Turkiga inaanu xal u raadino oo wada hadalkaasi dheeraad soo afjarno,”ayuu yidhi Bulxan.

Mar uu ka hadlayey dhex dhexaadnimadda Turkiga waxa uu yidhi “Anagu markii aanu Turkiga tagnay wixii aanu Turkiga u sheegnay wixii aanu ka qabnay oo aan leex leexad lahayn, waxaanu nidhi dhex dhexaadin baad doonaysa ee ma idinkaa u qalma, Soomaaliya wax badan baad u qabateen, wadooyin baad u samaysaan, safaaradii ugu weynayd ee aduunka ku lahaydeen baad ka dhisanaysaan, Somaliland maxaad u qabateen wax alaale wax aad u qabateen ma jirto, haddii aad dhex dhexaadinaysaan waa inaad labada dhinac isku miisaantaan, taasina ma jirto ee sideen idiin aamiinna, ta labaad waxaanu ku nidhi dadkayagu waxay qabaan bulshadan xoriyad la soo noqoshadda ama aayo ka tashiga ay dadku leeyihiin idinku qudhiinu isku haysataa kurdiyiinta, marka sidee baad u ogolaan kartaan Somaliland, xasuuq baan tirsana, xasuuq marka laga hadlayana idinka xasuuq la idiin haystaa, marka anagu afkaartii dadkayaga ayaanu si toos ah u soo hordhignay Turkiga.”

Wada hadaladdii udheeyey Somaliland iyo SOomaaliya ayaa waxa doorkan ka qaybgalay aqoonyahanadda labadda dhinac, waxaana goob joog ka ahaa ama dhex dhexaadinayey aqoonyahanno Turki ah oo labadda doodood isku dhagaysanayey, waxaana sii socon doonna doodahaasi aqoonyahanka oo laba jeer oo kale lagu kulmi doonaa wadanka Turkiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
9/16/2017 1:45 PM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho caawa ka dhacday degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

9/16/2017 12:13 PM EST
Sabti, September,16, 2017 (HOL)- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyadda Hooose/dhexe iyo dugsiyadda Sare.

9/16/2017 10:40 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Ciidamada amaanka dalka Britain ayaa sheegay in la qabtay nin dhalinyaro nin18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay qarax lala beegsaday mid ka mid ah Tareenada mara dhulka hoostiisa mara, ee magaalada London.

9/16/2017 9:43 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Talaadada Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo Shirka Golaha loo dhan yahay ee QM.

9/16/2017 8:23 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL)– Waxaa daqiiqado ka hor la soo gabagabeeyay doorashadii madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo doorashada madaxweynaha uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Waare.

9/16/2017 7:14 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Wareegii hore ee doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa goor dhaw soo dhamaantay, waxaana wareega labaad isugu soo haray Labo musharax.

9/16/2017 5:40 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Xarunta doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa goor dhaw ka bilaabatay codbixinta doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan 8 musharax.

9/16/2017 4:44 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Waxaa soconaya diyaargaroowgii ugu danbeeyay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

9/16/2017 3:52 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) -Xaaladda magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa kacsan kadib markii ay saaka gudaha u galeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar qorsheeysan ku qaaday.

9/16/2017 1:33 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ciidamada maamulka soo badbaadiyeen sida uu hadalka u dhigay 300 oo ruux Soomaali oo ay sida uu sheegay la damacsanaa in lagu laayo deegaanka Oromada.

9/16/2017 1:23 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Weerar culus oo loo adeegsaday qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo Aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Ceel-Waaq kaddib ayeey u suurtagashay in ay la wareegaan guud ahaanba gacan ku heynta degmada.

9/16/2017 1:09 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Aroornimadii hore ee saakay ka dhacay weybo ka mid ah degmooyinka Deyniile iyo Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Haanta-dheer xeradii ciidamada 77 illaa difaaca cirka.

9/16/2017 12:55 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Iyadoo maanta lagu wado magaalada Jowhar in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle, ayeey dhinaca kale sheegtay dowladda Soomaaliya in ay dhaxdhaxaad ka tahay dhinacyada ku tartamaya doorashada.