4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Xildhibaannada Hirshabeelle oo bilaabay codbixinta doorashada madaxweynaha

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Xarunta doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa goor dhaw ka bilaabatay codbixinta doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan 8 musharax.

Codbixinta ayaa mar la joojiyay kaddib markii la ogaaday in warqadaha codeynta laga hilmaamay magaca musharax Cabdikariin Cali Nuur.

Wareega koowaad ayaa la filayaa in ay isugu soo haraan Afarta musharax ee ugu codadka badan, iyadoo wareega labaadna u gudbi doonaan Labada musharax ee ugu codadka badan doorashada oo la filiyo in ay ku kala baxaan cod hal dheeri ah.

La socon hadba wixii ka soo kordha doorashada…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]