4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Xoghayaha QM iyo Golaha amaanka oo Myanmar ugu baaqay in ay joojiso dhibaatooyinka ay ku heyso Muslimiinta Rohingya

 
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Golaha amaanka ayaa dowladda Myanmar ugu baaqay in ay joojiso Ololaheeda military ee ka dhanka ah Muslimiint Rohingya.

15-ka xubnood ee golaha amaanka ee QM, oo Arbacadii kulan albaabada uu u xiranyahay wada qaatay, ayaa waxaa looga dooday laguna cambaareeyay dhibaateynta lagu hayo Muslimiint Rohingya.

Mr Guterres, ayaa weerarada iyo  barakaca lagu hayo Rohingya, waxaa uu ku tilmaamay “Musiibo”.

Dhinaca kale maalin ka hor ayey aheyd kaddib markii Ra'iisul wasaaraha dalka Bangladesh uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay cadaadiyaan xukuumadda Myanmar, si ay u oggolaato soo noqoshada boqollaal-ka kun ee ah qaxooti -gga Rohingya, kuwaas oo dalkaasi kasoo cararay dhawaan.

Sheikh Hasina, ayaa booqday Muslimiinta Rohingya, ee ku jira xero qaxooti oo ku taalla dalka Bangladesh.

Ku dhawaad 300 oo kun oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka soo qaxay Myanmar labadii todobaad ee ugu danbeeyay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia