4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Puntland oo xil ka qaadis ku sameysay wasiirkii taageeray Dhiibistii Qalbi Dhagax

 

Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay wasiiru-dowlihii xiriirka gollayaasha dowlad gobolleedka Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaaji Gurxan.

Kuma cadda wareegtada sababaha rasmiga ah ee xil ka qaadistan keentay hasse ahaatee arintan ayaa timid kaddib markii wasiiru-dowlaha wareysi uu siiyay warbaahinta ku taageeray go’aankii tallaabadii dowladda Soomaaliya ay ugu gacan galisay Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Akhriso Wareegtada :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]