4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Soomaali lagu laayay magaalooyinka qoomiyadda Oromadda ee Itoobiya

 

Arbaco, September 13, 2017 (HOL) – In ka badan toban qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalooyinka qoomiyadda Oromadda, gaar ahaan magaaladda Hawaday oo ah magaalooyinka Jaadka laga soo raro ee dalka Itoobiya.

Soomaalidan la dilay ayaa u badan dad ganacsato iskugu jiray kuwo Jaadka ka ganacsada iyo kuwo xoolaha ka ganacsada kuwaas oo qaarkood ku noolaayeen deegaanadda Qoomiyadda Oromadda.

Illaa hadda si rasmiya looma sheegin sababta soomaaliddan loo laayey, hasse ahaatee dadka qaar waxay ku tilmaameen khilaaf deegaan oo u dhexeeya Soomaalidda iyo qoomiyadda Oromadda, kuwaas oo keentay in soomaaliddii ka dhex shaqaysanayey ay laayaan.

Dhinaca kale, magaalooyinka Somaliland ayaa saakay laga dareemay qaad la’aan soo waajahday ka dib markii soomaalidii u joogtay deegaanadii Qaadka laga soo qaadayey la laayay,isla markaana Oromadii jaadka beeraysay ku kacday soomaalidda, taas ayaa keentay in wax jaad ah laga keeno Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland