4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Ciidamada Itoobiya oo laga dalbaday in ay ka guuraan xarunta Jaamacadda Hiiraan University

Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) – Maamulka Sare ee Jaamacada Hiiraan University ayaa sheegay in laga soo bilaabo bishii November sanadkii 2011ka xaruntii Jaamacada Hiiraan University saldhig military u tahay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa AMISOM.

Maamulka sare ee Jaamacada  ayaa sheegay in marar badan oo hore arintan kala hadleen maamuladii isaga danbeeyay gobolka, dowladda Itoobiya, saraakiisha ciidamada AMISOM, United Nation-ka qeybteeda waxbarashada iyo hay’addaha kala duwan ee arintan ku shaqada leh.

 

Maamulka Jamaacada aya ka codsaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabudallaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre in ay kala shaqeeyaan sidii looga saari lahaa xarunta weyn ee Jaamacada Hiiraan University ee magaalada Beledweyne.

Arintan ayeey ku sheegeen in ay dhibaato weyn ku tahay waxbarashada guud ahaanba gobolka Hiiraan, madaama Ardeydu hadda wax ku bartaan dhismayaal aan u diyaarsaneyn in ay wax ku bartaan ardey gaartay ilaa heer Jaamacadeed.