4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Wariye u geeriyooday dhawaac ka soo gaaray qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne

 

Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) -- Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo Axadii todobaadkan ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wariyaha oo xaaladiisa caafimaad waxba looga qaban waayay magaalada Beledweyne ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, hasse ahaatee dhakhaatiirta isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer oo dhaawaciisa la gaarsiiyay ayaa sheegay in aan dalka wax looga qaban karin, madaama bir ka mid aheyd firirkii qaraxa ay ka fadhiisatay maskaxda.

Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin ayaa ahaa wakiil wareedka gobolka Hiiraan ee TV –ga Jubbaland ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray labo wariye kale oo kala tirsanaa Telleefishannada kala ah Saab TV, iyo RTN.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana socda qaban qaabada aaskiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]